Deeq A. Posted July 5, 2020 Diyaarad nooceedu yahay Fokker 50, kuna diiwaan-gahan 5Y WFC5Y-WFC, islamarkaana ay leedahay shirikada Buff Air ayaa maanta shil Ku gashay garoonka magaalada Baardheere. Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda ay waday shinaxad ay leedahay mid ka mid ah ha’yadaha samafalka ee ka howl-gala magaaladaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in wax khasaare ah uusan ka dhalan shilkaasi diyaaradeed. Ma cadda illaa iyo hadda waxa sababay shilka, balse saraakiisha laamaha ammaanka ayaa sheegay inay wadaan baaritaano dheeraad ah. Halkaan hoose ka daawo sawirrada: View the full article Share this post Link to post Share on other sites