Sign in to follow this  
Deeq A.

Ururka OIC oo cambaareeyey qaraxyadii Muqdisho iyo Baydhao

Recommended Posts

Deeq A.   

Ururka iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa si kulul u dhaleeceeyay qaraxyadii shalay ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, kuwaas oo ay waxyeello ka soo gaartay dad isugu jira rayid iyo ciidan.

OIC ayaa dhambaal tacsi ah u diray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ehelada iyo qoysaska dadkii ku waxyeelloobay qaraxyadaasi.

Ururka OIC ayaa ku cel-celiyay cambaaraynta iyo diidmada adag ee ku aadan ficillada lax iriira qaraxyada, wuxuuna ku dhawaaqay in dowladda Soomaaliya ay la garab taagan yihiin mar-walba taageero kasta oo lagaga hor-tagayo falalka la xiriira qaraxyada.

Dhinaca kale War-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee dalka Qatar ayaa lagu cambaareeyay qaraxii shalay ka dhacay agagaarka dekedda Muqdisho.

Dowladda Qatar ayaa tacsi u dirtay dowladda Soomaaliya iyo ehelada dadkii ku waxyeeloobay qaraxa, iyadoo dadkii ku dhaawacmayna Alle ugu rajeysay inuu bogsiiyo.

Xukuumadda Doxa ayaa sheegtay in ay dowladda federaalka la garab taagan tahay taageero  lagaga hor-tagayo weerarada Al-Shabaab ay ka geystaan gudaha dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this