Deeq A. Posted July 5, 2020 Al-shabab ayaa maanta dil u geystay Xildhibaanka tirsan dowlad goboleedka Hir-shabeelle, kaas oo lagala degay gaari uu saarnaa oo marayey gobolka Shabeellaha dhexe. Xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad ayaa gaari ka soo raacay magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabeelle, kaas oo ku soo wajahnaa magaalada Muqdisho,. Al-shabaab ayaa xildhibaanka la degay xili gaariga uu maraayey deegaanka Gololeey ee gobolka. waxaana mas’uuliyadda dilka xildhibaanka ay ku sheegay baraha ay ku leeyihiin Internetka. Al-shabab ayaa dhowr jeer mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle waxaa ay ku weerareen gobolka Shabeellaha dexe, xili ay ku safrayeen wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites