Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka tirsan HirShabelle oo laga qafaashay duleedka Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle ayaa la sheegay in dabley hubeysan ay kala degeen gaari uu saarnaa oo marayay deegaanka Gololey ee gobolka Sh/Dhexe.

Xildhibaankan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Maxamuud Siyaad ayaa dableyda kala degtey gaariga loo malaynayaa inay yihiin ka tirsan yihiin ururka Alshabaab.

Gaariga lagala degey xildhibaanka ayaa ka tegey saaka magaalada Jowhar isagoo ku sii jeeday magaalada Muqdisho,waxayna dableyda wadada u gashay gaariga ay fasaxeen dhammaan dadkii kale ee saarnaa gaarigaas oo noociisu ahaa Noah.

Wadada u dhexeysa magaalooyinka Jowhar iyo Balcad ayaa hore weeraro ay uga geysanayeen labadii sano ee la soo dhaafay dagaalamayaasha Al-shabaab iyagoo weeraradaas ay ku dhinteen xildhibaano, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this