Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo warbixin ka dhegaystay Guddiga Dhismaha Dekedda Garacad

Recommended Posts

Deeq A.   
9-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo xalay kula kulmay Isimada Gobolka Mudug iyo Guddiga dhismaha Dekadda Garacad oo Madaxweynaha warbixin ka siiyey dhismaha Dekadda Garacad.

Guddiga dhismaha Dekadda Garacad ayaa Madaxweynaha la wadaagay warbixinta mashruuca dhismaha Dekadda Garacad oo ay ku baxayso $180 Milyan, waxay guddigu u faahfaahiyeen Madaxweynaha mashruuca oo wejigii labaad galay, marxaladaha ay Dekaddu soo martay iyo halka hadda ay marayso.

Madaxweyne  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa bogaadiyey Guddiga dhismaha Dekadda Garacad sida wadaniyada iyo masuuliyadda leh ee ay u wadaan shaqada iyagoo marxalado kala duwan lasoo maray.

Dhismaha Dekadda Garacad waa Mashruucii iskutashi ee ugu weynaa noociisa ee ka socda Soomaaliya, tusaale ayeenu dadka u nahay, Dowladdana waa ka go’antahay dhameystirka dhismaha Dekadda oo aan rajeynayo dhowaan inuu dhammaado” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Kulanka waxaa Ka qeybgalay Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, Isimada Gobolka Mudug, Maamulka Gobolka Mudug, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Guddiga dhismaha Dekadda Garacad.

  • 1-4.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 2-1.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 3-2.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 4a.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 5-2.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 6-2.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 7-2.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 8-2.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1
  • 9-2.jpg?fit=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo warbixin ka dhegaystay Guddiga Dhismaha Dekedda Garacad appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this