Sign in to follow this  
Deeq A.

AMNESTY oo ka deyrisay xaalada Abuuja, dalab deg-deg ahna u gudbisay DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda u dooda  xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa waxay si weyn uga deyrisay xaalada uu wariye Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuuja) uu ku wajahayo bilooyinkii u dambeeyay xabsiga uu ku xiran yahay.

Amnesty ayaa warbixinteeda ku sheegtay in wariye Abuuja si qarsoodi ah loo geeyay maxkamadda militariga magaalada Muqdisho, iyada oo aysan la socon reerkiisa iyo qareen u dooda.

Hay’adda ayaa xariga sharci darada ah ee wariyaha ku eedeysay inay ka dambeeyen saraakiil ka tirsan Hay’adda nabad sugida qaranka (NISA), kuwaasi oo soo xiray 7-dii March ee sanadkan 2020.

Amnesty ayaa madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ka dalabtay inay si deg-dega oo bilaa shuruud ah kusii daayan wariye Abuuja, oo muddo bilooyin ah u xiran dowladda dhexe, waxaana lagu yiri warbixintaasi:

“Amnesty International waxay ay ka walaacsan tahay sii wadista xarigga wariye Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuja) Ururka wuxuu ugu baaqayaa mas’uuliyiinta Soomaaliya inay si dhakhso ah oo shuruud la’aan ah ku sii daayaan”.

“Abuja waxaa dib u xiray saraakiil ka tirsan NISA 7dii Maarj 2020 iyadoo aysan ogeyn qoyskiisa iyo Qareenno iyo iyadoo aan maxkamad la soo taagin illaa 7 Juunyo 2020. Maalintaas, si qarsoodi ah ayaa loo geeyey maxkamadda militariga Magaalada Muqdisho iyada oo aysan la socon  reerkiisa iyo qareen”.

Baaqa Amnesty ayaa kusoo aadaya xili ay dowladda Soomaaliya ay hore u sheegtay in wariye Abuuja lagu haysto inuu xiriir la leeyahay, isla markaana uu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab, iyada oo si cad loo soo bandhigin eedeymahaasi.

Waxa kale oo Abuujaa loo haysta inuu ku lug lahaa dil ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo haweenay lagu magacaabo Baxsaneey Booleey loogu geystay degmada Boondheere, sida lagu sheegay qoraal bishii April kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this