Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo Iyo Safiirka China U Fadhiya Soomaaliya Ka Shiray Xidhiidhka Cusub Somaliland Iyo Taiwan.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo iyo Safiirka China ee Soomaaliya Qin Jian ayaa maanta ka shiray xidhiidhka cusub ee dhawaan u bilaabmay Somaliland iyo Taiwan.

Labada dhinacba waxay sheegeen in ay ka soo horjeedaan arrintaasi, isla markaana uu mid kasta ilaalin doono qarannimada dalkiisa.

Qoraal lagu baahiyay barta facebook ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxa lagu yidhi sida tan:

MADAXWEYNE FARMAAJO OO VILLA SOOMAALIYA KU QAABILAY SAFIIRKA SHIINAHA EE SOOMAALIYA

Muqdisho, 4ta Luuliyo, 2020: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Mudane Qin Jian.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sidoo kale, labada dal waxa ay adkeeyeen mowqifkooda mideysan ee ku aaddan ixtiraamka qarannimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo Shiinaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la wadaagay Danjire Qin Jian in Soomaaliya ay ixtiraamayso midnimada dalka aan saaxiibka nahay ee Shiinaha.

Dhankooda, Dowladda Shiinaha ayaa Madaxweynaha la wadaagay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Taiwan ee ay kula kacday Qaranimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Danjiraha Shiinaha ayaa dhankiisa ku cel-celiyey sida ay Dowladda Shiinaha uga go’antahay dhowrista Qarannimada iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: media@presidency.gov.so
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter: @TheVillaSomalia

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this