Deeq A. Posted July 4, 2020 Waxaa warar kala duwan ay ka soo baxayaan qarax maanta ka dhacay duleedka magalada Baydhabo, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan soo gaaray dad shacaba ah. Qaraxa ayaa ahaa miinada dhulka lagu aasyo ayaa waxaa la geliyey maqaayad laga cunteeyo oo ku taallo meel aan ka fogeyn Koontrool ay deganaayeen ciidamo ka tirsan booliska Baydhabo. Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhintay qarax maanta ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo, halka uu dhaawac kala duwan uu soo gaaray lix kale, kuwaas oo la gaarsiiyey goobaha caafimaadka. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites