Deeq A. Posted July 4, 2020 Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta dagaal khasaare geystay uu ka dhacay duleedka degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed oo ku wada sugan deegaanka Villa Dheere oo ka tirsa gobolka Shabeelaha Dhexe. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka uu ka dhashay arrimo la xiriira dhul-daaqsimeed oo ay isku qabteen maleeshiyaadkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalka ku dhintay ku dhowaad 5 qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah. Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana weli is-horfadhiya maleeshiyaadka diriray ee labada dhinac. Ma jiro illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo ku aadan dagaalkaas dib uga qarxay duleedka Warsheekh oo dhacda dhanka xeebta bari. Inta badan waxaa gobolka Shabeelaha Dhexe ku soo noq-nqoday dagaal beeleedyo u dhexeeyo maleeshiyaad ku wada sugan deegaanada gobolkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites