Sign in to follow this  
Deeq A.

SawirroDeni oo daah-furay imtixaanaadka shahaadiga ah ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid C/laahi Deni, ayaa daah-furay Imtixaanaadka Dugsiga Sare iyo Fasalka 8-aad ee Puntland oo sanadka ay u fariisanayaan 16,500 oo ardey.

Puntland waxay xoojisay feejignaanta caafimaad ee ardayda iyadoo maanka lagu hayo xaaladda Covid-19, Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Caafimaadka ayaana ka wada shaqeeyay in la raaco talooyinka Caafimaad sida kala fogaanshaha, adeegsiga qalabka ka hortagga covid-19 iyo la socodka heer Kulka xumadda ardeyda, macalimiinta iyo howlwadeenada kale.

Madaxweynaha ayaa Imtixaanaadka sanadka ku daah-furay Iskuulka Cumar Samatar ee Gaalkacyo, halkaasi oo ay saaka Imtixaanka ku galeen 592 ardey oo qeyb ka ah 4,138 oo Imtixaanka ku gelaya guud ahaan Gobolka Mudug.

Ardeyda Imtixaanka loo daah-furay guud ahaan Puntland waa 16,500 oo ardey, 5,447 Ardey oo ka mid ah waa Dugsiga Sare halka 11,053 Ardey ay u fariisanayaan Imtixaanka Fasalka 8-aad.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hambalyo iyo dardaaran la wadaagay ardeyda, isagoo u rajeeyay guul iyo in alle u fududeeyo Imtixaanaadka.

Daah-furka Imtixaanaadka waxaa Madaxweynaha Ku weheliyey xubnaha golaha wasiirada, maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

107485714_949072375506283_3161406993651842449_o 106454412_949072318839622_6786387815989078835_o 106746887_949069442173243_4611787252706870824_o 106799382_949071952172992_5386787364457944010_o 106924238_949072615506259_7218647081165861285_o 106987996_949069435506577_258296489613451444_o 106997059_949072655506255_5798419717491222138_o 107012137_949072278839626_676696792583185050_o

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this