Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Galmudug oo la wareegtay hub iyo gaadiid dagaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda amniga Galmudug ayaa shalay la wareegtay hub, gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad ku sugnaa deegaanka Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Munaasabadda lagula wareegay hubkaas iyo gaadiidka waxaa ku sugnaa madaxweynaha Galmudug, ku xigeenkiisa, wasiirka amniga maamulkaasi iyo mas’uuliyiin kale.

Waxgaradka deegaanka ayaa maleeshiyaadkaas iyo hubkooda ku wareejiyey wasaaradda amniga Galmudug, iyaga oo sheegay inay kala shaqeyn doonaan arrimaha amniga.

Sidoo kale mas’uuliyiinta munaasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay in maleeshiyaadka lagu dari doono ciidamada Galmudug, si ay helaan xuquuq iyo mushaaraad joogta ah.

Galmudug ayaa horey ula wareegtay maleeshiyaad ku sugnaa deegaano ka kala tirsan gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Halkan hoose ka hoose ka daawo sawirrada:-

warejin-hub1 warejin-hub2-696x464-1 warejin-hub

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this