Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay, tiro inaasi ka badan way ku dhaawacmeen, kadib qarax maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi uu ahaa miino, islamarkaana uu ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taalla halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta uu qaraxu ka dhacay uu ka agdhow yahay koontool ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxaya saraakiisha laamaha ammaanka Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxaasi.

Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, waxaana meesha uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano kooban sameeyey halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this