Deeq A. Posted July 4, 2020 Qarax xooggan ayaa lagu soo warramayaa in uu Saaka oo Sabtiya ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaanna nawaaxiga Dekedda weyn ee Muqdisho oo ku taalla Degmada Xamar-Jajab. Goob-joogayaal kala duwan ayaa laga soo xigtay in Qaraxaas uu ka dhacay Xarunta Ilaalinta Canshuuraha oo ka soo horjeedda Dekedda Muqdisho halkaas oo gaari miinaysan isku qarxiyay. Waxaanse la ogayn ilaa iyo haatan Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Qaraxa kaas oo warar kala duwan weli ka soo baxayaan. Sidoo kale weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxaas inkastoo Al-shabaab looga bartay in ay sheegtaan Qaraxyada ka dhaca Muqdisho. PUNTLAND POST The post Qarax xooggan oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites