Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya oo ka doodaya ku noqoshada Miisaaniyada dowlada

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabtiya kulankoodii caadiga ahaa ee ku yeelanaya Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajendaha kulanka Golaha waxaa uu yahay ka doodista ku noqoshada Miisaaniyadda dowladda Federaaka ee sanadkaan 2020 oo ay soo ansixiyeen Golaha Xukuumadda.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay in uu jiro kulan isla markaana laga doonayo in ay kasoo qeyb kulanka si loo dardargeliyo howlaha shaqo ee Baarlamaanka horyaalla.

Xildhibaanada ayaa maalmihii lasoo dhaafay yeelanayay kulamo is-daba joog ah oo ay ku ansixiyeen sharciyo dhowr ah oo uu kamid yahay Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare looga siiyay 13-xubnood.

PUNTLAND POST

The post Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya oo ka doodaya ku noqoshada Miisaaniyada dowlada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this