Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo`isku soo dhiibay`ciidanka Xoogga dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxamed Abuukar Maxamed Dhagoole oo loo yaqaano {Caato} oo Al-Shabaab u qaabilsan maaliyaada gobolka Shabeelaha Hoose ayaa isku soo dhiibay ciidamadda Kumaandooska Xoogga dalka ee Danab, sida ay sheegtay DF Soomaaliya.

Taliyaha guutada 16-aad ee Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa warbaahinta u sheegay inay soo dhaweyn u sameeyeen sarkaalkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay u gudbin doonaan hay’adaha ku shaqadaleh.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga dalka ayaa kordhiyey howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada ay ka wadaan gobolka Sh/ Hoose.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this