Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Muuse Biixi oo Hargeysa kula kulmay wafdi ka socda Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga madaxtooyada ee magaalada Hargeysa ku qaabilay wefdi ka socda dalka Keyna,kaas oo ka kooban xildhibaano, siyaasiyiin maalgashadayaal iyo xubno kale oo muhiim ah.

Ugu horayn xubnaha wafdiga waxay Madaxwaynaha Somaliland soo gaarsiiyeen Salaan ay uga sideen madaxwaynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, Imaatinka wafdiga ayaa waxa uu daba socday wafdiyo dhowr ah oo ka socday Soomaaliland oo labadii sanno ee u danbeeyay tagayaan dalka Kenya , ujeedkooduna ahaa xoojinta xiriirka ka dhaxeeya ee dhinaca siyaasada, ganacsiga iyo arrimaha geeska.

War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliland ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxawaynaha Somaliland uu si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay ugana mahad-celiyay wefdiga imaatinka ay Somaliland ku yimaadeen, isla markaana waxa uu ka gudoomay salaantii ay uga sideen madaxwaynaha dalka kenya,Uhuru kenyatta, waxaanu uu bogaadiyay hoggaanka dalka Kenya horumarka dhaqaale iyo deganaanshaha siyaasadeed ee dalkaasi mudaba ku naaloonayay.

Sidoo kale waxa uu madaxwaynuhu xusay dhaqdhaqaaqyada iyo isbedelada ka socda gobolka oo ay kow ka tahay wada-hadalada u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland iyo sidii Kenya door firfircoon uga qaadan lahayd madaama ay kamid tahay dalalka muhiimka u ah horumarka gobolka kana mid tahay Urur goboleedka IGAD.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this