Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xaflad loogu mahadcelinayey BF oo lagu qabtay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Munaasabad balaaran oo loogu mahadcelinayay xildhibaanada golaha Shacabka ee Barlamaanka Federalka Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay hoolka xarunta Tiyaatarka qaran.

Xafladaan ayaa waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisulwasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guulee Qadar, Wasiiro ka tirsan Xukumadda Federaalka Soomaaliya ,Xildhibaano la tirsan labada gole ee Barlamaanka ,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa caasimada,ku xigeenadiisa fanaaniin ,Abwaano iyo marti sharaf lagu casuumay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa u Mahad Celiyay Xildhibaanada sharafta leh oo si aqlabiyad leh u ansixiyay Matalaada Gobolka Banaadir.

“Waxaan uga mahadcelineynaa sida sharafta leh ay u ansixiyeen in bulshada Gobolka Banaadir ay helaan xubo ku matalo golaha aqalka sare ,waxaana bulsho weynta caasimada aan leeyahay guusha waa soo dhawaatay dowladdiina ayaa idin garab taagan”Ayuu yiri guddoomiye cumar Filish.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa kulan ay ku yeesheen  magaalada muqdishi ku ansixiyay 13 xubnood uu gobolka banaadir ku yeelan doono golaha aqalka sare ee dalka si ku dhawaad 4 milyan ee bulshda ku nool gobolka ay u helaan xuquuqda ay ku leeyihiin matalaad .

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

75233912_2618176515087758_38039624945326106099122_2618175975087812_7200579912189106104168_2618176111754465_3192000721017106119564_2618175801754496_4442988838932106129293_2618175861754490_8159722173840106200346_2618175911754485_6358061668722106493457_2618176018421141_6858780304228106493457_2618176018421141_6858780304228106540513_2618176405087769_3076790567347106541102_2618176471754429_1111054314993106556665_2618176235087786_6758791371429

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this