Sign in to follow this  
Deeq A.

Ammaanka degmada Guriceel oo si aad ah loo adkeeyey + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Galgaduud ayaa sheegaya in maanta si weyn loo adkeeyey amniga degmada Guriceel ee gobolkaaasi.

Ciidamo dheeraad ah ayaa lagu soo warramayaa in la dhigay jidadka muhiimka ah ee magaaladaasi.

Sidoo kale ciidmada oo isugu jira Boolis iyo Nabad Sugid ayaa baaraya gaadiidka isaga kala gooshaya halkaasi.

Sababta ayaa waxaa lagu sheegay in beri Guriceel uu booqan doono madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) oo socdaal ku maraya Galgaduud iyo Mudug.

Qaban qaabo iyo soo dhoweyn loogu jiro wafdiga madaxweynaha ayaa sidoo kale laga dareemayaa halkaasi.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

received_278108886774749 received_265395001458327 received_1184393545293209 received_557628558264505 received_2650960468338787

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this