Deeq A. Posted July 2, 2020 Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta xukun adag ku riday askari ka tirsan ciidamada dowladda oo bishii Ramadaan laba qof oo shacab ahaa ku dilay Boondheere. Dable Boolis Xasan Aadan Xasan oo ka tirsan ciidamada saldhigga degmada Boondheere ayaa lagu xukumay dil toogasho ah, sida uu ku dhawaaqay, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida. Shuute ayaa sheegay in lagu helay dambiga loo heystay oo ahaa dilka marxuuminta Xasan Cali Cadaawe iyo Madiino Cabdullahi Cabdi oo uu dilkoodu ka dhashay banaan-bax rabshado watay oo 24-kii bishii Apriil ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in Dable Boolis Xasan Aadan Xasan uu heysto fursad kale oo uu ka qaadan karo racfaan, haddii uusan ku qancsaneyn go’aankaasi. Dhageysiga dacwaddaan ayaa soo bilaabatay 28-kii bishii June, iyada oo ay maanta go’aan ka gaartay maxkamadda darjada 1-aad ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites