Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Axmed oo sheegay Cida ka danbaysa Dilka Fanaanka Hachalu Hundessa

Recommended Posts

Deeq A.   

Rabshadaha ka socda Addis Ababa ayey illaa iyo hada ku dhinteen sida la xaqiijiyey ugu yaraan 81 qof, waxaana Arbacadii magaalada Caasimada ah la geeyay ciidamo baddan oo militari ah si ay uga hortagaan kooxaha kacdoonka wada.

 

AbiyAhmed-blc22020-1024x576.jpg

Fanaan Hachalu Hundessa oo kamid ahaa mucaaridka xukuumada Abiy Axmed ayaa la toogtay Isniintii lasoo dhaafay, waxaana la sheegay in dilkiisa uu  ahaa mid qorsheysan.

abiy-2.jpg

Raysal-wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in dilkan ay ka danbeysay dowlad shisheeye (waxaa la filayaa inuu ka wado dalka Masar) oo kasoo horjeeda dhismaha biyo xidheenka Itoobiya, isagoo sheegay in dilkan loo adeegsaday kooxo uusan magacaabin oo ka dhex shaqenaya gudaha Itoobiya, waa siduu hadalka u dhigayee.

“Kuwo soo qorsheeyay dambigan kuma aysan faraxsaneyn isbaddallada haatan ka socda dalka….hadafkoodu kaliya ah ma aheyn inay dilaan walaalkeen Hachalu balse wuxuu hadafkoodu ahaa inay dilaan Itoobiya” ayuu yidhi Abiy Axmed.

Abiy ayaa wajahaya kacdoon shacab xili ay loolan kula jiraan siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda Qawmiyada uu u dhashay ee Oromada oo si weyn u dhaliilsan xukuumadiisa, fanaanka la dilay ayaa kamid ahaa mucaaridkiisa raggii sida weyn uga soo qeyb qaatay kacdoonka Oromada waday sanadihii lasoo dhaafay, wuxuuna fanaankaasi kahor intaan la dilin wareysi uu siiyey warbaahinta Oromada uu ku sheegay in loo soo hanjabay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this