Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Xoogga dalka oo howl-gallo ka sameeyey gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo ka tirsan kuwa millateriga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27aad ayaa waxaa ay howl-gallo kala duwan ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Ciidamada ayaa waxa ay sheegeen in howl-gallada ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa degmooyinka Buulo Burde iyo Jalalaqsi ee gobolkaasi.

Howl-galka ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxa ay sheegeen inay ku qab-qabteen dad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, islamarkaana ay baarayaan.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ciidamada dowladda & kuwa  AMISOM ay ka fuliyaan howl-gallo kala duwan, iyada oo todobaadyadii la soo dhaafay weerar madaafiic ah lagu qaaday saldhigga ciidamada Jabuuti ee Beledweyne.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this