Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo ku baaqday in meel looga soo wada jeesto dagaalka Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa si isku mid ah u soo gabagabeeyey qaraarkiisii ugu horreeyay ee si toos ah ula xiriira masiibada coronavirus Arbacadii.

Qaraarku waxa uu ku baaqaya in si dhakhso ah loo dhammeeyo khilaafaadka adduunka si loo suurto geliyo gaarsiinta taageerada caalamiga ah wadamada dagaaladu ka socdaan si loo badbaadiyo nolosha Malaayiin ruux oo sabool ah.

Golaha Amniga ayaa Arbacadii (1-dii July) taageeray baaqa uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ee ku saabsan in hubka meel kasta oo adduunka ka mid ah yaalla la joojiyo isticmaalkiisa.

Qaraarkaan shalay la meelmariyay ayaa u oggolaado dhammaan waddamada in ay diiradda saaraan dagaalka ka dhanka ah cudurka faafa ee coronavirus.

Qoraalku wuxuu ku boorinayaa “dhammaan dhinacyada ku lugta leh iska horimaadka hubaysan in ay si dhakhso leh u bilaabaan nasiinimo bini’aadannimo oo waara ugu yaraan 90 maalmood oo isku xigta” si ay awood ugu yeeshaan gaarsiinta taageerada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this