Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabuuti oo shaacisay inay muhiim tahay xasiloonida Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay dooneyso in ay xasiliso khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya maadaama xaalada wadanka ay saameyn ku leedahay ammaanka gobolka Geeska Afrika, sidda uu sheegay safiirka Jabuuti u qaabilsan Sacuudi Carabiya.

Ziauddin Saeed Bamakhrama oo u waramay wargeyska Asharq Al-Awsat ayaa xusay in dowladiisu ka go’an tahay sidii ay dib ugu soo celin lahayd doorkii ay Soomaaliya ku lahayd masraxa siyaasadeed ee mandiqadda geeska Afrika.

“Yagleelida xasiloonida si lamid ah ammaanka Soomaaliya iyo xadiditaanka qulqulka qaxootiga waxay muhiim u tahay Geeska Afrika maadaama gobolka uu juquraafi ahaan, dhaqan ahaan, dad ahaan iyo dhaqaale ahaan uu isku xiran yahay,” ayuu danjirahu sheegay.

Sidoo kale Xoogaga Al-Shabaab ayuu sheegay inay yihiin halista ugu weyn ee xasiloonida Soomaaliya, Jabuuti waxay ka mid tahay dalalka ciidanka ku taageeray howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kaas oo dagaalka ba’an kula jira Xoogga hubaysan ee Al Shabaab.

Jabuuti ayaa bishii lasoo dhaafay ee June martigelisay shir dib loogu bilaabay wadahadalka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, kaas oo natiijo horudhac ah oo kaas baxday lagu balamay is-aragyo kale.

Kadib burburkii 1991-dii, Jabuuti ayaa ku lug lahayd dhamaan geedi u socodkii dowlad dhisida Soomaaliya, iyaddoo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu hormuud ahaa “maadaama uu fahmayo xudunta is-mari-waaga raagay”.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this