Sign in to follow this  
Deeq A.

London:Taalladii Haile Selaase ee ku taalay Uk oo la burburiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taalada Haile Selassie oo la burburiyay

 

Haile Selassie

Taalada loo sameeyay hogaamiyihii hore ee Itoobiya Haile Selassie ayaa la burburiyay taas oo ku taallay barxadda Wimbledon ee magaalada London.

Booliska Ingiriiska ayaa baarayaa dhacdada, waxaana la sheegay in taalada dhulka la dhigay galabnimadii Talaadada.

Taalada Haile Selassie waxaa burburiyay boqol dhalinyaro ah, sida ay sheegeen dad goobo joogayaal ah.

Waxay u muuqataa in dhacdadan ay xiriir la leedahay qalalaasaha ka taagan Itoobiya kaddib dilkii loo geystay fanaankii caanka ahaa Hachalu Hundessa Hachalu Hundessa.

Haile Selassie ayaa ku noolaan jiray Ingiriiska sannadkii 1936-dii markii dalkiisa ay ku duuleen Talyaaniga.

Ugu yaraan 50 ruux ayaa lagu dilay dalka Itoobiya kaddib markii ay dhaceen dibadbaxyo looga careysan yahay dhimashada fannaan caan ahaa oo kasoo jeeda gobolka Oromia, sida uu BBC-da u sheegay sarkaal maxalli ah.

Kumannaan qof oo taageerayaal ah ayaa isu tagay si ay ugu baroor diiqaan Hachalu Hundessa, oo la dilay habeenkii Isniinta, xilli uu gaarigiisa watay.

Booliska ayaa sheegay in la xiray 35 ruux, oo uu ku jiro siyaasiga caanka ah ee lagu magacaabo Jawar Mohammed

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this