Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo howl-gallo ka fuliyey goobo ‘laga soo abaabulo’ weerarada Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl-gallo ciidamada xooga dalka ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Howl-llada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada qeybta 27-aad ee xoogga dalka Soomalaiyeed, kuwaas oo ka howl-gala gobolkaasi.

Ciidamada ayaa si gaar ah dhaq-dhaqaaqyadaasi uga sameeya inta u dhexeysa degmooyinka Buulo-Burte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda oo ka warbixiyey howl-galladaasi ayaa sheegay inay ku bartilmaameedsadeen goobo ay sheegeen in laga soo abaabulo weerarada dagaalyahanada Al-Shabaab ay ka fuliyeen gobolkaasi oo dhaca bartamaha dalka.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen inay gacanta ku soo dhigeen tiro dad ah oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, waxaana ku socdo baaritaano dheeraad ah.

Hiiraan ayaa ka mid ah gobollada ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab, waxaana ay weeraro qorsheysa ka fuliyaan degmooyinka gobolkaasi, sida Beledweyne, iyaga oo beegsaday saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this