Deeq A. Posted July 2, 2020 Milateri Itoobiya ayaa waxaa loo daad-gureeyay caasimadda dalkaas, si ay u xakameeyaan dibadbaxyada ay dadka badan ku dhinteen ee ka dhashay dilka heesaagii caanka ahaa ee Hachalu Hundessa. Ugu yaraan 81 qof ayaa lagu soo warramayaa in tan iyo habeenkii Isniinta ay ku dhinteen qul-qulatooyinkaas rabashadaha wata ee ka dhacay gobolka uu ninkaas ka soo jeeday ee Oromiya. Kumannaan qof oo taageerayaashiisa ah ayaa waxa ay isugu soo baxeen sidii ay ugu baroordiiqi lahaayeen Hachalu Hundessa, kaas oo isagoo gaarigiisa wata la dilay habeenkii Isniinta. Booliska ayaa sheegay in 35 qof oo uu ku jiro siyaasiga caanka ah Jawar Maxamed xabsiga loo taxaabay. Ilaa iyo haatan ma cadda sababta keentay in ninkaasi loo dilo, hasayeeshee booliska ayaa sheegay inay dilka ninkaasi u xireen laba qof. View the full article Share this post Link to post Share on other sites