Deeq A. Posted July 1, 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaraha ka dhashay dagaal maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Dagaalka oo u dhexeeyey ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen askar ka kala tirsan talisyada Haramcad iyo Nabad Sugida ee ka howlgalka gudaha magaaladaasi oo sidoo kale caasimada oo ah dowlad goboleedka Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yimid, ka gadaal markii uu is-faham waa soo kala dhex-galay labadaasi ciidan. Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhaawacantay iska hor imaadkan oo labo ka mid ah ay yihiin askar, halka qofka saddexaad uu yahay shacab. Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, waxaana goobta lagu diriray gaaray saraakiisha laamaha amniga ee magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud. View the full article Share this post Link to post Share on other sites