Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo ku gacan syadhay dalab uga yimid UAE oo ah inay ku biirto dagaalka ka socda….

Recommended Posts

Deeq A.   
Soomaaliya oo ku gacan syadhay dalab uga yimid UAE oo ah inay ku biirto dagaalka ka socda….
 farmaajo.jpg

 Dowladda Soomaaliya ayaa diiday dalab uga yimid dowladda UAE oo ku aadan in ay ku biirto dagaalka ka socda Yemen si loogu helo dhiirrigelin dhaqaale, wasiirka arrimaha dibadda ayaa sidaas shaaca ka qaaday.

Imaaraadka ayaa u balanqaaday dowladda Soomaaliya in dib loogu furayo Isbitaalka Sheekh Zayed ee kuyaala magaalada Muqdisho, iyadoo Soomaaliya laga rabo in ay ka qeyb qaadato dagaalka Yemen, islamarkaana ay sheegato Jasiiradaha Socotra inay tahay dhul Soomaaliyeed.

Cusbitaalka Imaaraatka ee uu maamulo Sheekh Zayed ayaa daryeel caafimaad oo bilaash ah siin jiray muwaadiniinta Soomaaliyeed illaa iyo Sanadkii 2018, taas oo qeyb ka ahayd xiriir diblumaasiyadeed ee u dhexeeyay Abu Dhabi iyo Muqdisho.

“Soomaalidu ma ahan aalad rakhiis ah oo looga faa’idaysto baahideeda…Yemen waa dal aan deris iyo walaalo nahay, waxayna leeyihiin madaxbanaanidooda iyo sharafta dadkooda,” ayuu yidhi Axmed Ciise Cawad.

“Adduunku wuu ogyahay in Socotra ay tahay dhul Yemen ah, oo ay ka soo jirtay wakhtiyo hore,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Sannadkii hore, wasiir Cawad wuxuu sheegay in cilaaqaadka dalkiisa uu la leeyahay UAE uusan aheyn heerkii loo baahnaa. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay burburisay shabakad basaasnimo ah oo u shaqeysa Imaaraadka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this