Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin:-Bahda Ciyaaraha Soomaaliya Oo Dowladda Kaga Mahad Celiyay Furitaanka Stadium Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyanha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho ka jaray xarriga,iyadoo Dowladda Soomaaliya garoonkan ay kala wareegtay ciidamada Amiso dabayaaqdaii 2018 waxaana furitaankiisa kasoo qeyb galay mas’uuliyeenta Dowladda iyo ciyaartooydii hore . WARKA-GAROONKA.mp4.00_00_10_19.Still001-

Wasiirkii hore Gaadiidka iyo dullista Soomaaliya Saciid Jaamac Qorsheel horayna ugu soo ciyaarayay Xulka Qaranka ayaa hagaajinta Stadium Muqdisho kaga mahad celiyay madaxda Dowladda Soomaaliya.

Screen-Shot-2020-07-01-at-1.00.04-PM-102

Madaxweynaha ayaa laaday kubadda dib loogu furayo Garoonka oo sanaddo kaddib martigeliyey ciyaar xiiso waxaana 16-sano ka dib kulankii furitaanka ku wada dheelayay kooxaha Muqdisho City Club iyo naadiga xooga dalka ee Horseed waxaana goolkii ugu horeeyay Stadium Muqdishu dhaliyay laacibka qadka dhexe ee naadiga Horseed iyo Xulka Qaranka Soomaaliya Xasan CabdiNuur Xasaasi.

106553859_3119951831422607_3233399639268

Dib u haaginta gegida Muqdisho Stadium waxaa Dowladda Soomaaliya kaa taageeray midowga Yurub iyo Dowladda Norway,sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyeenta Dowladda Soomaaliya.

105477992_3282878461772923_7428414471419

Si kastaba barabaraha bulshada ayaa si weyn loogu gorfeeyay sawirdda bilic soo celinta Muqdisho Stadium,inkastoo madaxada Dowladda ay sheegeen in la dhameystiri doono qeybaha kale oo ka koobanyahay tuulada isboortiga ee Muqdisho Stadium .

105896073_3282878501772919_6320275141176

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Furitaanka Garoonka Ciyaaraha Muqdisho

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this