Sign in to follow this  
Deeq A.

XF oo shaacisay xilliga uu bilaabanayo Imtixaanka Shaadiga ee G/Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Xukumadda Fedeeraalka Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku shaacisay in 11 bisha soo socota uu bilaaban doono Imtixaanka Shahaadiga ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir .

Sanadkaan qaadista Imtixaanka waxaa si wadajir ah u qaadi doono wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare iyo Agaasinka waxbarashada Gobolka Banaadir .

Sidoo kale Wasraadaddu waxaa ay sheegtay in dhawaan ay soo saari doonto jadwalka Imtixaanaadka fasalada 4-aad .

Dowladda Soomaaliya ayaa 1-kii sedexaad amartay in la xero goobaha waxbarashada dalka si loo xakameeyo cudurka Safmarka ah ee Covid-19 oo markaasi si xowli ah ugu sii faafayay dalka .

Ugu dambeynti qoraalkaan kasoo baxay Wasaaradda waxbarashada ayaa arday lagu yiri waxaan idin rajeyneynaa guul iyo hormar dhammaan ardayda Soomaaliyeed.

gffff-300x219.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this