Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweynaha JF oo xarigga ka jaray garoonka Muqdisho Studium

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xarigga ka jaray garoonka ciyaaraha ee Muqdisho, ,kadib markii la soo gebagebeeyey dib u dhis Studiumballaaran oo lagu sameeyey garoonkaasi oo uu saameeyey burburkii dalka muddo ku dhow 3o sano.

Munaasabadda furitaanka garoonak waxaa ku wehliyay madaxweynaha mas’uuliyiin isugu jira ra”iisul wasaare kuxigeenka dalka ahna kusimaha ra”iisul wasaaraha ,wasiiro xildhibanno guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo saraakiil kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmajo ayaa dhanka kale wuxuu ka qeybgalay furitaanka ciyaartii ugu horeysay oo garoonkaasi lagu furay,isagoo laaday kubaddii ugu horeysay,waxaana xubnaha la socda kamid ahaa wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay dib u dhiska xaruumo kala duwan oo dan guud ah,kuwaasi oo uu xarigga ka jaray madaxweynaha Soomaaliya,iyadoo loo dabaal degayo todobaadka xorriyadda Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:- 

aaaaa-1-300x200.jpg ertttt-300x200.jpg fredfffff-300x169.jpg ghhhh-300x200.jpg uhgtrrrrr-300x200.jpguhgtrrrrr-1-300x200.jpg

reddss-300x200.jpg rtfghhh-300x200.jpg tghyy-300x200.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this