Deeq A. Posted June 30, 2020 Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey xeerka astaynta kuraasta golaha shacabka oo maalimihii la soo dhaafay ay ka doodayeen xildhibaanada baarlaamka federaalka Soomaaliya. Xeerkaan oo ah kii ugu dambeeyay afartii xeer ee ay soo gudbiyeen guddiga labada ee aqal ee baarlamaanka u qaabilsanaa xeerarka dhamaystirka doorashooyinka ayaa waxaa ogolaaday 144 mudane, afar xildhibaan ayaa diiday ansixinta, halka 2 mudane ay ka aamustay xeerkaan. Baarlamaanka Soomaaliya kulankoodii 12-aad ee maanta waxaa shir guddoomiyey guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman, waxaana maanta xaadiray 150 mudane oo ka tirsan baarlamaanka. Ajandihii kulankii maanta ayaa ahaa; 1-Sii Wadida Ka Doodista Xeerka Astaynta Kuraasta Golaha Shacabka 2-Akhrinta 1aad Hindise Sharciyeedka Hay’adaha Aan Dowliga ahayn Ugu dambayn gudoomiye Mursal ayaa soo xiray fadhiga maanta ee baarlamaanka, waxa ayna ka dhigan tahay in dhamaan la ansixiyey 4-tii xeer ee ay soo gudbiyeen guddiga labada gole ee baarlamaanka Somalia ee lagu kabaayay xeeraeka doorashooyinka dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites