Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax miino oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax nooca miinada ah oo goor dhow ka dhacay agagaarka garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu aasay agagaarka garoonkaasi, waxaana wararka ay sheegayaan inay soo saareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, balse uu ka qarxay

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Soomaaliya

Dhinaca kale waxaa garoonka  Stadium Muqdisho haatan ka socota munaasabad ballaaran oo xariga looga jarayo garoonkaasi oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyey.

Madaxweynaha oo furaya garoonkan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this