Deeq A. Posted June 30, 2020 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax nooca miinada ah oo goor dhow ka dhacay agagaarka garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay in lagu aasay agagaarka garoonkaasi, waxaana wararka ay sheegayaan inay soo saareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, balse uu ka qarxay Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Soomaaliya Dhinaca kale waxaa garoonka Stadium Muqdisho haatan ka socota munaasabad ballaaran oo xariga looga jarayo garoonkaasi oo dib u dhis ballaaran lagu sameeyey. Madaxweynaha oo furaya garoonkan iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites