Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre oo la kulmay ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kula kulmay ra’iisul wasaare ku-xigeen, ahna wasiirka arrimadda dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani.

Kulanka dhex maray ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo mudane Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood, iskaadhiga dhaqaalaha iyo aminga.

Qatar ayaa ka mid ah dowladaha shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed sida joogtada ah uga taageera hir-gelinta mashaariicda horumarineed iyo dib-u-dhiska dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this