Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidanka Jabuuti ay ku leeyihiin magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaas iyo dagaalka ka horreeyey intaba.

Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Hiiraan, Mudane Maxamed Miiris Isaaq oo u warramay Shabelle ayaa ka warbixiyey dagaalkaasi, wuxuuna sheegay in ciidamada ay iska caabiyeen weerarkii uga yimid dhanka dagaalyahanada Al-Shabaab.

Waa markii saddexaad oo muddo todobaad ah la weerarayo ciidamada Jabuuti ee ku sugan Baladweyne, waxaana mas’uuliyadda weeraradaas sheegtay Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this