Sign in to follow this  
Deeq A.

Bangiga adduunka oo markale lacag badan u ansixiyey Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga Agaasimayaasha ee Hay’adda Bangiga Adduunka waxa ay ansixiyeen in Soomaaliya la siiyo dhaqaale dhan 40 million oo Dollar ee Taageeradda Horumarinta Caalamiga, taasi oo qeyb ka ah Maaliyada Degdegga ee Soomaaliya looga taageerayo La-dagaalanka Ayaxa Lama-degaanka.

Qoraal la soo dhigay barta Internet-ka ee Bangiga Adduunka ayaa lagu muujiyey in ay Taageradaasi qeyb ka tahay Barnaamijka Jawaab-celinta Degdega ee looga hortagayo Khatarta Ayaxa, laguna xoojinayo Nidaamka U-diyaargarowga ee dalalka Afrika iyo Bariga dhexe ee ay waxyeellada Ayaxa baabi’iyey dhul-beereedka.

Duullaanka Ayaxu ka geystay Soomaaliya ayaa saamayn xoogan ku yeeshay qaab-nololeedka ku-dhawaad 2.6 million oo qof oo ku nool 43 Degmo oo ka tirsan Dalka Soomaaliya, iyadoo ay qeybta Beeraha lafdhabar u tahay 75% Dhaqaalaha Somalia

Agaasime-Gobaleedka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Carlos Felipe Jaramillo waxa uu sheegay in duullaanka Ayaxu khatar ku hayo sii-socoshada Xaalladda Aadminimo ee haatan ka jirta Somalia iyo inuu horseedo yaraanshaha helitaanka cuntada, khasaaro dhinaca Dakhliga iyo Iska-horimaad ku salaysan Kheyraadka iyo xulashada dhaqdhaqaaqyada guurguuritaanka oo xadidan.

Haweeneyda Hoggaamiyaha u ah Kooxda Bangiga Adduunka ee u qaabilsan Soomaaliya, Afrah Alawi Al-Ahmadi waxay sheegtay in Mashruucan taageeri doono qiyaastii 100,000 oo Qoys, kuwaasi oo laga taageeri doona Lacagaha Kaashka iyo Baahiyayaalka Asaasiga ah, si loo badbaadiyo Noloshooda inta lagu jiro Qalalaasahaasi.

Deeqda cusub ee ay Guddiga Agaasimayaasha ee Hay’adda Bangiga Adduunka shalay anixiyeen ku soo beegmaysaa, hal isbuuc kadib, markii ay ansixiyeen 55 million oo Dollar oo Taageeradda Horumarinta Caalamiga oo lagu taageerayo Dib-u-habaynta Siyaasadda Dhaqaalaha Soomaaliya ee sanad-maaliyadeedka haatan socda, Maaraynta Maaliyadda, sidii loo xaqiijin lahaa Barnaamijka Dib-u-habaynta ee lagu taageerayo Soomaaliya, Dib-u-hawlgelinta iyo Dib-u-habaynta Maalgelinta Horumarinta Siyaasadda dheeriga iyo in dib loogu eego Miisaaniyadda sanadkan 2020-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this