Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo dil ka geystay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa sheegaya in manata askari ka tirsan ciidamada dowladda uu qof shacab ahaa ku dilay gudaha magaaladaasi.

Dilka oo ka dhacay xaafadda Waabari ee degmadaasi ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu fuliyey askari ka tirsan ciidamada ammaanka, kaas oo goobta ka baxsaday.

Sidoo kale wararka ayaa sheegay in dilka uu yimid kadib markii uu muran soo kala dhexgalay marxuumka iyo askariga dilka geystay.

Laamaha amniga ayaa sheegay inay ku raad-joogaan askariga ka dambeeyey falkaasi dilka ah, waxaana haatan ay wadaan baaritaano dheeraad ah.

Amniga Dhuusamareeb ayaa muddooyinkii la soo dhaafay ahaa mid xasilan, waxaana howlgllo ballaaran ka waday ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Galmudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this