Sign in to follow this  
Deeq A.

Sayid Aadan oo ka warbixiyey ammaanka magaalada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyme ku xigeenka koowaad ee Jubbaland oo wareysi gaar ah siiyey Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan ammaanka Kismaayo.

Sayid Aadan ayaa sheegay in amniga magaalada uu yahay mid wanaagsan, sida magaalooyinka kale ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in ka maamul ah ay si aad ah dadaal ugu bixiyeen xoojinta nabadgelyada magaallo xeebeedka Kismaayo oo xarun KMG u ah Jubbaland.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa u mahadceliyey shacabka Kismaayo oo uu sheegay inay wada shaqeyn la leeyihiin ciidamada ammaanka.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay amniga magaaladaasi uu ahaa mid degan, islamarkaana ay howlgallo ka wadeen ciidamada Booliska Jubbaland.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this