Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaliimo Yarey oo shaacisay waqtiga ay ka guureyso Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo u warrantay Shabelle ayaa shaacisay xilliga uu guddiga madaxa banaan ee doorashada ka guurayo xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in sababo la xiriira dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha ay keentay inay  haatan ku shaqeeyaan xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay shaacisay in bisha September ee sanadkan qorshohoodu yahay in ay u guuraan xarun cusub oo dhismeheedu haatan socd.

Hadalka Xaliimo Yarey ayaa ku soo aadaya, iyada oo horey qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ay shaki ka muujiyeen madax banaanida guddiga doorashooyinka qaranka, maadaama uu ku shaqeeyo xarunta looga arrimiyo dalka ee madaxtooyada Soomaaliya.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this