Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar culus oo markale ka dhacay duleedka Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa markale weerar ka fuliyeeyey duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay xerada ciidamada dowladda ee bacaadaha, taas oo ku taalla agagaarka magaaladaasi.

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in xalay weerar gaadma ahaa ay ku qaadeen xeradaasi, kadibna uux iga iska hor imaad ka dhacay halkaasi.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Dhinaca kale saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday, islamarkaana haatan xaaladdu ay tahay mid degan.

Habeen hore ayey aheyd markii Al-Shabaab ay weerar loo adegsaday madaafiic ku qaadeen saldhigga ciidamada Jabuuti ee ku yaalla galbeedka Beledweyne.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this