Deeq A. Posted June 30, 2020 Dagaal u dhexeeya Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Dagaalka ayaa bilowday kadib markii malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab dagaal ku qaadeen fariisimo Ciidamada dowladdu ku leeyihiin halka loo yaqaan Bacaadaha oo ka tirsan Degmada Beledweyne. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Militariga Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in ay iska caabiyeen weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab waxaana ay sheegeen in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas. Ha yeeshee ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijin karta Khasaaraha kala gaaray labada dhinac islamarkaana Al-shabaab weli war kama soo saarin dhankooda. PUNTLAND POST The post Dagaal ka dhacay Degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites