Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha caalamka oo soo dhaweysay warbixintii Xaliimo Yarey

Recommended Posts

Deeq A.   

Xubnaha beesha caalamka ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyey warbixintii guddiga doorashooyinka ee ay maalin ka hor BF ka jeedisay guddoomiye Xaliimo Yarey.

Qoraalkan ayaa waxaa loogu mahad-celiyey guddiga doorashooyinka oo soo bandhigay laba farsamo oo lagu qaban karo doorasho qof iyo-cod ah.

Sidoo kale beesha caalanka ayaa boggaadisay shirka uu iclaamiyey madaxweynaha Soomaaliya ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka, si looga wada-hadlo xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka soo socda ee 2020 illaa 2021-ka.

“Waxaan boorineynaa in kulankan uu noqdo tallaabada xigta ee loo qaado wada-tashi ballaaran oo ay yeeshaan saamileyda muhiimkda ah ee siyaasadda Soomaaliya.” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka xubnaha beesha caalamka ee taageera Soomaaliya.

Qoraalkan ayaa waxaa si wada jir ah u soo saaray AMISOM, Belgium, Denmark, Ethiopia, European Union, Finland, France, Germany, Intergovernmental Authority on Development (IGAD), Ireland, Italy, Japan, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, United Kingdom, United States iyo United Nations.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this