Sign in to follow this  
Deeq A.

IRAN Oo Soo Saartay Waaran Caalami Ah Oo Lagu Soo Xidhayo Donald Trump

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tehran)-Dawladda Iiraan ayaa soo saartay amar xadhig ah oo ka dhan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyadoo ka codsatay Booliiska caalamiga ah ee INTERPOL inay gacan ka geystaan soo qabashadiisa.

Iiraan ayaa sheegtay in Madaxweyne Donald Trump iyo xubno kale oo badan ay ka dambeeyeen duqeyntii lagu dilay Taliyihii ugu sarreeyay Ciidanka Iiraan ee Qaasim Suleymaani, kaasi oo la dilay horaantii Bishii January ee 2020

Xeer Ilaaliyaha Tehran Ali Alqasimehr ayaa Maanta oo Isniin waxaa uu sheegay in Trump iyo in ka badan 30 qof oo kale ay ku lug lahaayeen weerarkii lagu dilay General Qassem Soleimani , waxaana falkaas ay ku tilmaameen inuu ahaa mid argagixisanimo, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee ISNA.

Sidoo kale Alqasimehr ma caddeynin qof kale oo raadinaya oo aan ahayn Madaxweynaha Mareykanka Trump, hayeeshee wuxuu carabka ku adkeeyay inay Iiraan sii wadi doonto sii wadida dacwad ka dhan ah Trump.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this