Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo war ka soo saartay warbixintii Xaliimo Yarey

Recommended Posts

Deeq A.   

Saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay labadii nooc doorasho ee Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinkan Qaranka u soo bandhigeen Golaha Shacabka Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay maanta wada jir u soo saareen Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Ethiopia, Midowga Yurub, Finland, France, Jarmalka, Urur-gobaleedka IGAD, Ireland, Italy, Japan, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Uganda, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, iyo Qaramada Midoobay ayaa looga mahadceliyay Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka, soo bandhigidda noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho qof iyo cod ah oo Soomaaliya ka dhacda sanadka soo socda.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay shirka Madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay ee 5 bisha soo socota ee July ka furmaya Muqdisho, kaas oo u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay ka shaqeeyaan sidii heshiis deg deg ah looga gaari lahaa arrimaha doorashooyinka Qaran iyo waxyaabaha kale ee mudnaanta leh.

PUNTLAND POST

The post Beesha Caalamka oo war ka soo saartay warbixintii Xaliimo Yarey appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this