Sign in to follow this  
Deeq A.

WADDANI Oo Sheegay In Laba Wasiir Iyo Madaxweynuhu Saddex Hadal Oo Is Khilaafsan Ka Shegeen Shirkii Jabuuti, Baarlamankana Ugu Baaqay In Degdeg Loogu Yeedho Madaxweyne Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI waxa ay xaalad walaac leh oo aad looga xumaado ku tilmaameen shaki iyo arrimo qarsoon oo ay sheegeen in uu ka jiro Heshiiska Madaxweyne Muuse Biixi iyo Waftigiisii ay Jabuuti kula soo saxeexdeen dhiggooda Soomaaliya, isaga oo WADDANI sheegay in ugu yaraan laba wasiir iyo Madaxweynuhu siyaalo kala fog oo is burinaya uga hadleen qaar ka mid ah qodobada heshiiskaasi ku jiray, gaar ahaan qodobka la xidhidha is dhex galka.

Xisbiga WADDANI waxa uu sidoo kale ka dayriyay xaaladda siyaasadeed ee waddanku wajahay ee la xidhiidha hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi oo ay ku tilmaameen mid masiirkii umadda mugdi galinaya iyaga oo sheegay in aanay umadda Somaliland qaban maanta in lagu yidhaa Xamar baad fiisayaal u qaadanaysaa halkii bay yidhaahdeen laga filayay in Madaxweynuhu qodobada masiiriga ah ee wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya umadda uga caddayn lahaa.

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Maxamed Faarax Cabdi oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa waxa uu yidhi: “Xukuumadda Somaliland saddex hadal oo kala duwan ayaa ka soo baxay. Waxa hadalladaa ka muuqata is burin fara badan. Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland waxa uu ka hadlay in la is dhex galayo Somaliland iyo Soomaaliya, isku socodkana la fasaxay. Waxa haddana hadlay wasiirka xanaannada xoolaha Siciid Sulub oo sheegay in aanay jirin wax is dhex gal ahi oo isaguna wax kale halkaa ka soo saaray. Markii ugu dambaysayna Madaxweynaha ayaa hadlay oo isaguna wax kale kasoo saaray oo ka hadlay. Saddex hadal runtii aad bay isu khilaafsanaayeen. Waa hadallo is barbar yaacaya oo aanay umaddu maanta u baahnayn in ay masuuliyiintaasi ka soo baxaan.

Waa nasiib darro maanta, Madaxweynaha waxa looga fadhiyay in umadda masiirkeeda uu meel ku hubsado oo ah qaranimada Somaliland. Madaxweynaha waxa laga sugayay khudbad weyn oo hufan oo waxa ay ka tabayaan wixii halkaasi ka soo baxay (Jabuuti) uu ku taabto oo ku caddeeyo. Tiina may dhicin oo Madaxweynuhu waxa uu arrintaa ku soo koobay fiisayaal loo qaadan doono Soomaaliya. Waxa is waydiintu tahay fiisayaasha halkee laga qaadanayaa. Safaaradda Soomaaliya ma guriga madaxtooyada ayaa laga furay?. Ma magaalada Hargeysa ayaa laga furay?, Halkee umaddu ugu hagaagaysaa fiisaha uu sheegayo. Madaxweyne umadda taasi wax qabta ma aha. Umaddani caqli iyo garasho iyo aqoonba way leedahay oo caamo ma aha. Nasiib darro Somaliland soo wajahday weeyaan in aad iska tidhaa dhaqanka iyo ciyaartoygu fiise ayay u qaadan doonaan Xamar iyada oo lagaa sugayay in aad umadda u caddayso qodobada madmadawgu ku jiro ee masiirka umadda taabanaya. Xisbi ahaan waan ka xunnahay waxaanan codsanaynaa in war-murtiyeedka shirkaasi la caddeeyo. Waxbaa huursane in waxaa huursadan umadda loo caddeeyo ayaa muhiim ah. Waxa u daliila arrintaa. Markii Madaxweynuhu arrintaa fiisayaasha ka hadlayay in Madaxweyne Farmaajana uu lahaa Muuse Biixi waa nin isagoo sheegay in ay ku heshiiyeen Midnimo. Marka la isu eego labadaa hadal umaddii wax badan oo werwer ah ayaa galay. Xukuumadda KULMIYE waxa looga fadhiyaa luuqadda uu ku hadlay Farmaajo jawaabteedii baa laga rabaa. Haddii ay ka jawaabi waayaana meeshaa wax badan baa ku jira”.

Ugu dambayn xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI waxa ay golaha Baarlamanka Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqeen in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdii loo yeedho lana waydiiyo faahfaahinta heshiiskaasi si umadda loogu caddeeyo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this