Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada wasiir Janan ee ku sugan magaalada Mandera oo la eedeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya ayaa ciidamada wasiirka amniga maamulka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdiuur (Janan) ku eedeeyey inay qal-qal amni ka wadaan gudaha magaalada Mandera oo ka tirsan gobolka waqooyi bari ee dalkaasi.

Xildhibaan Cumar Maxamed Macalin oo laga soo doorto magaaladaasi ayaa sheegay in ciidamada Janan ay hub ka iibinayaan qabaa’illada ku nool magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in arrintan ay sababi karto isku dhacyo hor leh oo dhex-mara beelaha daga halkaasi oo marar badan dagaalamay.

Xildhibaanka ayaa soo jeediyey in is-maamulka Mandera laga saaro wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland iyo ciidamada uu wato, si loo xasiliyo amniga.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga Kenya ayaa sidoo kale sheegay inay hayaan shaqsiyaad hubka ka iibinayey dadka deegaanka.

Wasiirka amniga Jubbaland ayaa tan markii uu ciidamada dowladda kula dagaalamay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ku sugan qeybo ka mid ah magaalada Madera ee gobolka waqooyi bari, halkaas oo uu ka wado abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this