Sign in to follow this  
Deeq A.

QM oo war ka soo saartay warbixintii guddiga doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaray hadalkii ka soo yeeray guddoomiyaha guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil  Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo ay ku shaacisay nooca doorasho  ee Dalka ka dhaceysa.

Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa loogu mahadceliyay guddoomiye Xaliimo Yarey oo soo bandhigtay noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho toos ah oo Soomaaliya ka dhacda horraanta Maarso ee sanadka soo socda 2021.

“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ugu mahadcelineysaa Guddoomiyaha Guddiga madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey), soo bandhigidda noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga doorasho toos ah oo Soomaaliya ka dhacda horraanta Maarso 2021”

Xafiiska  Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa sidoo kale uu ku boorrinayaa wadatashi ballaaran oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro Isfahan, si hore loogu sii socdo – kulanka qorsheysan ee dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe waa tallaabo yididiilo leh oo xigta.” ayaa lagu yiri Qoraalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this