Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaliimo Yarey oo shaacisay in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo ka hor-hadleysay baarlamaanka ayaa ka hadashay arrimo ku aadan doorashada Soomaaliya ee 2020 illaa 2021-ka oo ah mid aad loo wada sugayo.

Xalimo Yarey ayaa shaacisay in xilligan dalka aan laga qaban karin doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana ay dalbanayaan in guddigooda la siiyo 13 bilood oo dheeeraad ah.

“Doorashada Soomaaliya ma qabsoomayso waqtigii loogu talogalay, sidaas darteed, waxaan u baahnahay 13 bilood gudahood oo ka bilaabanaysa July 2020-ka kuna dhamaanaysa August 2021-ka”ayay tiri Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xalimo Yareey).

Sidoo kale waxa ay sheegtay iyadoo la tixgelinayo duruufaha uu dalka ku jiro inay soo diyaariyeen nooc kale oo doorasho oo ah diiwaan gelinta gacanta ee isla maalinta codbixinta (Same day manual registration).

Xaliimo Yarey ayaa ugu dambeyn shaacisay in noocaan labaad ay ku qaban karaan 9 bilood oo iyadana ka bilaabaneyso July 2020 illaa Aug 2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this