Deeq A. Posted June 27, 2020 Mudanayaasha Golaha Shacabka BFS ayaa goor dhow cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xeerka matalaada gobolka Banaadir, kadib kulan ay ku yeesheen Muqdisho. 142 Xildhibaan ayaa u codeeyay in gobolka Banaadir uu 13 xubnood ku yeesho Aqalka Sare, halka ay diideen illaa 4 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. Maalmihii la soo dhaafay xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka doodayey xeerkan oo dood badan dhaliyey, kadib markii guddiga wadajirka ee loo xilsaaray xeerarka doorashooyinka ay soo gudbiyeen in 7 xubnood gobolka Banaadir laga siiyo Aqalka Sare. View the full article Share this post Link to post Share on other sites